Duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka ayaa lagu dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee laanteeda magaalada Jilib, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta kale ee shirkaddaas.
Maxamuud Xaaji Salaad, oo ku jiray da’da dhowr iyo lixdan jirka ayaa xilligaas ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.
Saraakiil ka tirsan maamulka shirkadda Hormuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhacdadan, waxayna sheegeen in labo gantaal lagu dhuftay beerta maamulaha, halkaasna uu ku geeriyooday.
Ma jirin cid kale oo wax ku noqotay dhacdadaas. Lama oga sababta loo beegsaday Maxamuud Xaaji Salaad.
Dhinaca kale war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in duqeynta ka dhacday Jilib lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.
BBC Somali.