Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa howlgalka kusoo qabtay Koox burcad ah oo xiliyada habeenkii ah gudaha Dharkeenley dadka ugu geysan jiray dhac, waxaana Ciidanka ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ku hubeysnaa Qori Ak47.
Maamulka Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka amniga ay ku raad-joogeen ragga burcadaha ee lasoo qabtay, isla markaana ay dhibaatooyin ku hayeen shacabka.
Guddoomiyaha Dharkeenle Abuukar Axmed Cadow ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay sameeyaan Ciidamo gaar ah oo xiliyada habeenkii ah kormeer ku sameeya Xaafadaha kala duwan ee degmada, si looga hor tago falalka amni-darro.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Cadow ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgalka ay sii wadi doonaan, isla markaana ay ka hortegi doonaan kuwa caadeystay inay dadka u geystan dhaca ayna hormarin doonaan bilicda degmada Dharkeenley.
Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo yeereysay Cabasho la xiriirta in rag hubeysan oo habeenkii dhac baahsan ka geysta Xaafadaha kala duwan ee Magaalada, kuwaasi oo dadka qaata Taleefoonada iyo agabyada kale oo ay wataan.