Al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid iyo hub badan oo ay sheegeen inay Ciidanka dowladda Federaalka uga qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-saliini ee duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Al-shabaab ayaa soo bandhigtay laba gaari oo nooca dagaalka ah ee Cabdi bilaha loo yaqaano, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin qoryaha dhashiikaha iyo saanado melleteri oo ay tilmaameen inay ku soo furteen dagaalkii ka dhacay Ceel-saniili.
Dagaal ku bilowday qaraxyo ayaa shabaab waxaa ay dhawaan ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda ee Ceel-saliini, waxaana dagalkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan, iyagoona maalin kahor soo bandhigeen Sawirrada dagaalkaas.
Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, waxaana warar la helay ay sheegayaan in Ciidanka dowladda weerarkaas looga dilay 20 Askari, halka 18 kalena looga dhawaacay.