Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa tababar loogu soo xiray cutubyo Cusub oo kamid ah noqoneysa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaasi in ka badan sanad qaadanayay tababar.
Munaasabadda Ciidamada loogu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Shuute oo ka hadlaayay Munaasabadda ayaa waxaa uu Ciidamadan Cusub ku amray in ay wax ka bedalaan dhaqan xumada ka soo yeerto xabsiyada Dalka.
Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa waxaa uu sheegay in Xabsiyada haatan dalka ka jira aan loo maamulin sidii loo baahnaa, isla markaana qof maxbuus ah oo meel gaar ah lagu xiray uu heysto Teleefoon uuna isticmaalayo baraha Bulshada.
“Xabsiyada Maanta jira sida loo maamulo maahan sidii loo baahnaa,qof dambiile ah oo meel gaar ah lagu karantiilay si loo dhaqan celiyo ayaa Isgaasiin haysta oo Social Media isticmaalaya,markii waqtigiisa uu dhameystana wixii markii hore lagusoo xiray buu ku laabanayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.