Kulan looga hadlay isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada Al-shabaabn kaga sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa lagu qabtay xarunta taliska Booliiska ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Guddoomiyay shirka, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo kuwa xoogga Dalka.
Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey’adaha Dowliga ah ee qaybta ka ah qorshaha, inay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada, si loogu guuleysto xoreynta degaannada ay shabaab uga sugan yihiin Dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada laga saaro Shabaab.
Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta degaannada Al-shabaab ay sugan yihiin dalka Soomaaliya