Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa ee dhawaan banaanbax cabasho ah oo ku aadan Qashin-weynaha Muqdisho ka dhigay degmooyinkaasi.
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa mid mid udhageystay bulshada Soomaaliyeed ee cabashada qabay iyagoo sheegay iney Saameeyn dhinaca Caafimaadka ah iyo nadaafada kala kulmeen goobtaasi Qashin-Weyna ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale warbixina kala duwan oo quseysa Qashin-Weynaha Muqdisho iyo dhibaatada kajirta ka dhageestay guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti iyo guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir Aadan Sh.Cali Fiidow.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu xusay in maamulkiisa uu si deg deg ah wax uga qaban doono cabashada bulshada isagoo dhanka kale tilmaamay in si nidaam ah loo xaliyo waxaana hadalkiisa kamid ahaa.
“ka maamul ahaa waxaa inaga go’an inaan si deg deg ah oo nidaam dowli ah u xalino cabashadiina la xariirta Qashin-Weynaha gobolka Banaadir sidoo kale waxaan la xisaabtami doona shirkadii aan u xilsaarnay iney hagaajiyaan oo ay la dagaalamaan jeermiska si bulshada deegaanka uusan u saameynin, dhawaan ayaan kormeer qiimeyn ah ku tagi doona goobta Qashin-Weyna ah si aan ugu kuurgalo cabashadiina iyo waxa la gudboon dowlada hoose” ayuu yiri Duqa Muqdisho.