Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Cabdi baasid Maxamuud.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la sheegay inuu xilkii qaaday Taliye Cabdi baasid, waxaana uu Taliyaha Booliska Degmada Wadajir u magacaabay Saciid Cali Maxamuud, isagoo bedelaya Taliye Cabdi baasid.
Wararka ayaa kusii daraya in xilka qaadista Taliyihii Booliska Wadajir ay ka dambeeysay, kadib markii shalay madaafiic laga tuuray gudaha Degmadaas ay ku dhaceen Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Taliye Cabdi baasid ayaa waxaa la sheegay in hay’addaha amniga dowladda ay su’aalo weeydinayan, kuwaasi oo la tilmaamay inay yihiin kuwa la xiriira dhanka amniga.
Al-shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkii shalay madaafiicda ahaa ee lagu qaaday Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.