Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in ay isku soo dhiibeen ciidamo ka soo goostay dowladda fedraalka Soomaaliya,isla markaana ay sheegeen in ay u sameeyeen soo dhaweyn.
Afhayeen laamaha amniga ee Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada ku soo biirey ay isugu jiraan kuwo Haramcadka loo yaqaan iyo ciidamo kale oo Boolis ah sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlayay uu sheegay Afhayeenka laamaha amniga ee Jubbaland in Ciidamadan ay ka soo tageen Magaalooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo waxaana ay la kulmeen Wasiirka Amniga Jubblanad Cabdirashid Janan,â€ayuu yiri afhayeenka.
Dhinaca kalana afhayeenka ma uusan sheegin tirade Askarta uu sheegay in ay ka soo goosteen ciidamad dowladda fedraalka Soomaaliya,marka laga soo tago hadalka Jubbaland ilaa iyo haatan saraakiisha ciidamadu kama aysan hadal sheegashada Jubbaland eek u aaddan ciidamada ka soo goostay dowladda.