Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliye S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa la kulmay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James Swan iyaga oo ka wadahadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta iyo taageerada dhinaca amniga dalka.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa James Swan kala hadlay xoojinta wada shaqeynta ammaanka Guud ee Dalka oo ay ugu horeeyso amniga dalka in ay kala shaqeeyaan QM si ciidamada dowladda fedraalku ay ugu guuleystaan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ay ka wadaan gudaha Somalia.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya kuwaas oo ay u riyaaqeen Shacabka Soomaaliyeed,James Swan ayaa ugu baaqay taliska ciidamada in ay sii joogteeyaan howlgaladooda.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka samaynayaan magaalada Muqdisho iyaga oo si joogta ah baaritaano uga wada baraha koontaroolada ee laga soo galo magaalada Muqdisho iyo kuwa magaalada ku dhex yaalla.