Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa kulan la qaatay qaar ka tirsan Dhalinyarada deegaanada Galmudug waxuuna kala hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira deegaanada maamulkaas.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu wargeliyay dhalinyarada in ay ka qeyb qaataan horomarada Galmudug oo ay ka mid tahay dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta maamulkaas.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qooq-qoor aya maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay bulshada qeybaheeda kala duwan kadib dorashadii uu kusoo baxay ee ka dhacday magaalada Dhuusa-mareeb ee casimadda mamaulkaas.
Kulamadaan ayaa waxa ay qeybka yihiin dhamaynta khilaafka Siyaasadeed ee ka dhashay dhismaha maamulka Glamudug iyada oo culeyska ugu badan ee uu wajahayo ay tahay sidii uu u xal ugu heli lahaa khilaafka Siyaasadeed ee deegaanada mamaulka Galmudug.