Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka Alshabaab iyo danaha quwadaha caalamku ay ka leeyihii Jabuuti oo tartanka loogu jiro uu soo ifbaxayo.
Isaga oo ka hadlayay arrinta la xiriirta tartanka dowlado badan oo caalamka ah ay ugu jiraan in ay saldhigyo milatari ay ka samaystaan Jabuuti ayuu sheegay in ay tahay meel ku haboon la dagalanka waxa uu ugu yeeray argagaxisada.
Dhinaca kalana Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa wax laga weydiiyay awoodda Alshabaab ee gobolka waxaana uu sheegay in weerarada gaadmada ah ee Shabaab aysan muujinaynin awoodooda gaarka ah.
Geelle ayaa tilmaamay in tababarada muhiimka ah ee lasiiyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sababtay in ay wiiqanto awooddii Alshabaab ee gudaha dalka Soomaaliya.