Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Golahan Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Su’aalo dhowr ah ka keenay Baxsashada Wasiirka amniga Jubbaland, kaasi oo Taliska Booliska uu shaaciyay inuu saakay baxsaday.
Xildhibaan Fiqi ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqoon halka markii hore ay dowladda ku xirtay Wasiir Cabdirashiid Cabdi Xasan Janan, kaasi oo laga qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xili uu kusii jeeday Addis Ababa.
Hoos ka Akhriso qoraal uu soo saaray Xildhibaan Fiqi ee uu uga hadlay baxsashada Wasiir Janan.
- Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?
- Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo Afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?
- Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?