Iyada uu taaganyahay khilaaf xooggan oo ka dhashay guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa isi soo taraya baaqyada lo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda mamaulka Glamudug.
Shacabka ku nol magaalada huusa-Mareeb oo la hadlay Warbaahinta dalsan gaar ahaan qeybteeda muuqaalada baahisa ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin isjiijiidka Siyaasadeed iyada oo meelihii ugu dambeysay ay marayso dhismaha Galmudug.
Dadka qaar ayaa eedeymo u jeedinaya dowladda iyaga oo ugu baaqaya in ay faha kaa baxdo arrimaha doorashada,isla markaana ay cadeyso doorka Ahlusunna oo aqbalay in Dhuusa-mareeb ay ka dhacdo doorashada guud ee glamudug.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemaay magaalada Dhuusa Mareeb khilaaf soo kala dhexgalay guddigii qabanqabada doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug ee uu magacaabay guddoomiyaa baarlamaanka,iyada oo xubnihii Ahlusnna ugu jiray guddiga ay ka biyadiideen guddoomiyaha iyo ku-xigeenka loo doortay guddiga qabanqaabada.
Halkaan Ka Dhageyso Codka