Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Caawa soo Bandhigtay Fanaan sheegtay inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab kana howlgeli jiray Magaalada Muqdisho.
Abshir Gaarane Axmed ayaa lagu magacaa Fanaanka NISA ay soo Bandhigtay, kaasi oo muuqaal kooban laga soo duubay, wuxuuna ku sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda fanka Gobalka Banaadir.
Sidoo kale Abshir Gaarane ayaa waxaa uu tilmaamay inuu Shabaab u qaabilsanaa xuuraanka iyo Maaliyadda, isla markaana muddo dhowr sanno ah uu la shaqeynayay.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Dabagal dheer ay sameeyeen kadib lagu soo qabtay Fanaanka, isla markaana loo gudbinayo Hay’adaha dowladda ee dhanka garsoorka.