Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo gelinkii dambe ee maanta ka ambabaxay Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne, iyadoo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle.
Wafdiga Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan ciidanka Hiil Walaal ee Jabuuti.
Socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa salka ku hayo sidii lagu xalin lahaa qilaafaad mudoomiyinkan ka jira Degmada Buulo-burte iyo arrimo kale oo ku saabsan  Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Waare ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoona soo gaaray xili uu ka yimid Magaalada Baydhabo oo uu uga soo qeyb galay Shir u dhexeeyay maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.