Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa sheegay in dhaawacyada la geeyay dalka Qatar ay xaaladooda Caafimaad soo hagaageyso aya heleen daryeel Caafimaad oo dhameystiran, kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooge.
Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu tilmaamay in 23-ka qof ee la geeyay isbitaalka dhexe ee dalka Qatar, ay sideed ka mid ah xaaladooda caafimaad hagaagsanyihiin.
“Qaraxu 28-kii ayuu dhacay 30-kii bisha ayaan soo qaadnay 23 qof oo dhaawac ah iyo 23 oo caawineysa dadka dhaawaca ah, sideed ka mid ah isbitaalka wey ka soo baxeen Hotel ayayna joogaan, laakiin waxay leeyihiin balamo kala duwan oo firiro looga bixinayo, daweyntooda qaab bukaan socod ayay noqoneysaa†ayuu yiri Safiirka.
Safiirka ayaa sheegay inay weli socoto daweynta dhaawacyada kale ee isbitaalka ku haray, isagoo intaa ku daray inaysan jirin dad hada xaalad adag ku jira .
“Dhaawacyada saddex qof ayaa u darna oo lugta kaga jaray, balse sida kale ay xaaladooda caafimaad wanaagsantahay’ ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Qatar.
S kastaba Qaraxii 28-kii bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 ruux, halka 150 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.