Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa markii ugu horeysay duulimaad ka bilaabi doonta bisha soo socota Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Wasaaradda Duulista Hawada ee Maamulka Puntland ayaa shaacisay in Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay duulimaadkii ugu horreeyay 3-da bisha labaad ee 2020 ay ka bilaabi doonto Magaalaa Boosaaso.
Sidoo kale Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa sheegtay in Ethiopian Airlines 3 jeer toddobaadkii ka dagi doonto Garoonka diyaaradaha Boosaaso.
15-kii bishii July 2019 ayey aheyd markii Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay si toos ah uga bilowday Duulimaadkeedii ugu horeeyay ee Puntland, iyadoona hada si toos ah ugu shaqeysa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.