Taliyaha guutada 13-aad ee qaybta 21-aad Col. C/raxmaan Macalin Maxamuud Timadheere iyo Gaashaanle Sare Axmed Baaraaf oo hogaaminayay Ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad ayaa gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo shalay ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed hubeysan.
Ciidamada ayaa sigaar ah u gaaray deegaanada Bangeelle iyo xiljilab oo ku taalla in ta u dhexeeya Magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq oo uu ka dhacay dagaal geysay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo dhexmaray Maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ahaa.
Taliyaha guutada 13-aad ee qaybta 21-aad Col. C/raxmaan Macalin iyo Ciidanka la socda ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay kala dhex-galaan Maleeshiyaadka dagaalamay, isla markaana la heshiisiiyo labada dhinac.
Sidoo kale xoojinta Colaadka kasoo cusboonaatay deegaanada Bangeelle iyo xiljilab ayaa ka qeyb qaadanaya waxgarad kasoo kala jeeda labada dhinac, kuwaasi oo gaaray halkaas.
Si kastaba dagaalkii dhexmaray Maleeshiyaadka ee geystay Khasaaraha ayaa waxaa uu ka dhashay muran dhul daaqsimeed ku yaalla Bangeelle iyo xiljilab, waxaana halkaas ku geeriyooday 5 ruux, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.