Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta Degmada Howl-Wadaag Ee Gobolka Banaadir Taasi oo dib u dhis lagu sameeyay .
Xarig Ka Jarka Waxaa Kasoo Qayb Galay Xubno Ka Tirsan Mamulka Gobolka Banadir, Qaar Kamid Ah Gudoomiyasha Degmoyinka Muqdisho,Maamulka Degmada Howlwadaag Iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan.
Gudomiye Cumar Filish Ayaa Sheegay In Xaruntan Muhiimad Gaar Ah Uleedahay Hwbsami Usocodka Howlaha Loo Qabanayo Shacabka Ku Dhaqan Degmadaasi.
Duqa Muqdisho Cumar Filish Ayaa Shacabka Muqdisho Si Gaar Ah Kuwa Degmada Howladaag Kula Dar Daarmay In Ay Ka Qayb Qaataan Dib Udhiska Dalka Islamarkaana Ay Ilaashadaan Bilicda Goobaha Ay Udhisayso Dowlada Somalia.
Waxaa Uu Ugu Danbeyn Ku Amaanay Maamulka Degmada Howlwadaag Sida Ay Heegan Ugu Yihiin In Ay Ushaqeeyaan Shacabka Ku Dhaqan Degmadaasi.
2 September ee sanadkii hore 2019 Ayaa Qarax Loo Adeegsaday Gaari Laga So Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa Waxaa Lagu Bur Buriyay Xaruntan Waxaana Mas”uuliyada Weerarkaasi Sheegtay Alshabaab Duqa Muqdisho Ayaana Maanta Dhagax Dhigay Dib Udhis Lagu Samaynayo Xaruntaasi.