Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u joogay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa mudadii uu joogay Galmudug ku guuleystay, xalinta tabashooyin ka jiray dhismaha maamulka Galmudug, waxaana haatan la guda galay soo u diyaar garowga xulista xubnaha Baarlamaanka Galmudug ee ka dhiman.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb waxaa uu kulan la qaatay Hoggaanka sare ee Ahlusunna Waljameeca, iyagoo kala hadlay howlaha dhameystika Galmudug iyo arrimo kale.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Xeraale, isagoo kala hadlay sida uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee Xeraale iyo Huurshe.