Ciidamo ka tirsan kuwa amniga gaar ahaan Booliska waddanka Uganda ayaa Maanta xabsiga u taxaabay xildhibaan Kyagulanyi Ssentamu Robert oo ku magac dheer Bobi Wine.
Sababta loo xiray xildhibaan Kyagulanyi Ssentamu Robert ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu shaaciyay in xilka madaxtinimada dalkaas uu kula tartami doono Madaxweynaha haatan xilka haya Yuweri Musaveni.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xildhibaan Bobi Wine markii la xirayay uu Ku sii socday deegaanka laga soo doorto ee Kyadondo East.