Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa deegaano hoostaga Magaalada dhuusamareeb ka bilowday qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa oo fara ba’an ku haya dadka deegaanka.
Waxaa sidoo kale Qorshahaan lagula dagaalamayo Ayaxa Qeyb ka Qaadanaya Duqa dagmada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi waxaana fulinaya Howshaasi Shaqaale sigaar ah loo Tabababaray.
Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug oo ay ku yaallan dhul beereed ayaa waxaa ku dul-degay Ayax badan, kaasoo xaaluf ku haya meelaha dhul-daaqsimeedka ah iyo dalagga Beeraha.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay wax ka qabato Cabashada kasoo yeertay dadka beeraleyda ah, taasi oo ku aadan dhibaatada Ayaxa oo mudooyinkii dambe ku degay dhul beereed badan oo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.