Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo saartay Liiska Golaha deegaanka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa lagu sheegay in Liiska lasoo Bandhigay ee Golaha deegaanka Diinsoor ay ku heshiiyeen beelaha wada dega degmadaas.
Sidoo kale Warka ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha deegaanka dhawaan lasoo dhisi doono, isla markaana haatan uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee lagu dhisayo Golaha deegaanka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar.