Kadib markii Ayax farabadan uu dhibaatooyin u gaystay dhul beereedyo aad u balaaran oo ku yaalla Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dawladda Kenya ku dhawaaqday in ay hawada ka buufin doonto sadaex Gobol oo ka tirsan waqooyiga Bari ee dalkaas kenya, si ay uga hortagto Khasaaraha balaaran ee Ayaxaasi u gaysan karo dhul beeraadka ku yaalla halkaas.
Hadal ka soo baxay Dawladda Kenya ayaa lagu sheegay in raxan cayayaan ah oo la mid ah Ayaxa ay u soo gudbeen saddexda Gobo lee kala ah wajeer, Marsabit iyo mandheera 28 kii bishii December, Iyadoo Kenya intaas ku dartay in ay heshay awoodii ay ku buufin lahayd hawada taas oo bilaabatay maanta oo sabti ah.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dawladda Kenya ay soo iibsatay 3,000 oo litar oo kiimiko ah, si ay ugu buufiso hawada, Iyadoo sidoo kalena u qaybin doonto dadka deegaanka gobolada laga cabsida qabo in ayaxu waxyeeleeyo.
Hay’adda Cuntada iyo beeraha adduunka ee FOA oo sheegtay in Ayaxa uu burburiyay 70,000 oo hiktar dhulal beereed ku yaalla Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana Hay’adda ku tilmaantay duulaankii ugu waynaa ee ayaxaasi ku soo qaado geeska Afrika muddo 70 sano ah.