Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qabanqaabadii ugu dambeeysay ee loogu jir banaanbaxii uu iclaamiyay maamulka gobolka Banaadir kaas oo looga soo hor jeedo qaraxii Ex-kontarool  Afgooye.
Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada ayaa xiran iyada oo ad loo xaqiijinayo ammaanka dhinaa klaana waxaa la arkayay dadweyne laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu wado Basas si ay uga qeybgalaan banaanbaxaas.
Banaanbaxa oo ayaa waxa uu ka dhacayaa xarunta tababarka ciidamada Booliiska ee Janaraal Kaahiye,waxaana haatan kusii qul-qulaya dadweyne aad u fara badan,dhinaca kalana masuuliyiinta maamulka gobolka ayaa lagu wadaa in ay iyana gaaraan.
Banaanbaxaan uu horay uu u ilaamiyay maamulka goblka Banaadir ayaa waxaa uu iskugu jiri doonaa Baroordiiq loogu ducaynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas,iyo banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaas.