Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxaa gaaray wafdi hordhac u ah Safar Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu saacadaha soo socda ku tegayo halkaas.
Wafdiga gaaray Dhuusamareeb ayaa isugu jiray shaqaale ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Ilaaladiisa gaarka ah, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo halkaas ku sugan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu gaaro Dhuusamareeb, waxaana gudaha Magaalada laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha u tegayo Caasimadda Galmudug ayaa lagu sheegay inay tahay fulinta heshiiskii dhawaan ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljameeca, kaasi oo ku aadan dhismaha Galmudug.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu la socon doonaa habka ay socoto soo xulista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug iyo arrimaha Doorashada maamulkaas.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka amniga dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.