Muddooyinkii dambe deegaanno ka tiran Galmudug ayaa aad looga cabanayay Ayax farabadan oo ku habsaday dhul ballaaran oo ku yaalla deegaanada maamulkaas,iyada oo uu xaalufinayay Beeraha.
Deegaanada Somaliland iyo Galmudug ayaa qaabab kala duwan loola dagaalamay Ayaxa oo fara ba’an ku hayay dhulka Beeraha ah iyo kan loo daaqsin geeyo xoolaha,iyada oo tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyayna uu ayaxu ka guurayay deegaanada Maamulka Galmudug.
Dhinaca kalana saacadihii la soo dhaafay waxaa dadka deegaanku ay soo weriyeen in Ayax guuraya lagu arkay deegaano ka irsan maamulka Hishabeelle kuwaas oo aad ugu dhow magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Shalay ayay aheyd markii xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya uu sheegay in Ayax badan oo uu ku wajahanyahay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolada dalka.
Dhinaca kalana waxa uu sheegay  Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow in Ayaxa haatan laga cabsi qabo inuu ku dego dhul beereed badan oo ku yaalla Gobolada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Baay iyo Bakool.