Saddex maalmood ayey xaalad biyo la’an ah ku sugan yihiin in ka badan 2,000 kun oo qoys oo ku nool xerada qaxootiga ee Dhagaxley ee ka tirsan xeryaha Dhadhaab kadib markii ay jabeen ceelashii biyaha ay ka dhaansan jireen qaxootiga.
Dhibaatadan ayaa ku qasabtay qoysaska qaarkood ee awoodi kara inay biyaha iibsadaan, iyadoo 20-kii liitar ee biyaha laga siiyo 5 shilin oo ah lacagta Kenya ah, balse dadka intooda badan ka awoodi karaan.
Aadan Deeroow Maxamed  oo ka mid ah guddiga kormeerka gar-gaarka ay bixiyaan ha’adaha ayaa sheegay in ay jiraan dhibatooyin dhinaca nolosha ah oo ay wajahayaan dadka ku nool 20 xaafadood oo ka mid ah xerada Dha-dhaab kadib markii sida uu sheegay uu jabay ceelkii ay biyaha ka cabayeen.
Geesta kalana waxa uu tilmaamay in ay jiraan ceelBiyooyo kale o ku dhex yaalla xerada hase’ahaatee uu sheegay in ay ka fogyihiin xaafadahaan isla markaana ay awoodi kari la’yihiin lacagta ay ku iibsan lahaayeen Biyaha.