Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43aad ee deegaanada Jubbaland ayaa labaddii maalmood ee la soo dhaafay howl galo qorsheysan ka waday deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka J/hoose.
Howlkaani ayaa laga saameeyay deegaanada, Muuse Xaaji, Araare iyo Kaban oo dhamaantood ka tirsan gobolka J/hoose.
Howlgalka ayaa yimid ka dib markii ciidamadu shacabka ka heleen, qorshe sida la sheegay Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku jabiyaan Kar karada webiga Jubba si uu ugu fataho shacabka.
Howl galkaan intii uu socday ayaa ciidaamada waxaa u suurta galay in ay soo saaraan, tiro miinooyin ah oo ay hareeraha wadooyinka ku aaseen Al-shabaab.
Korneyl Maxamed Badal Xasan oo ka mida saraakiisha howlgalkaan huggaamineysa ayaa Warbaahinta u sheegay, in howlgalku sii socondoono in deegaanada Jubooyinka laga xoreynayo, Al-shabaab.