Laamaha amniga dowlad deeganada Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay kumanaan qof oo saakay Dibad-bax rabshado watay ka dhigay gudaha Magaalada Jigjiga.
Kumanaan Qof ayaa isugu baxay Bartamaha Jigjiga, kuwaasi oo ka Careysnaa ficilada lagu gubay saddex Masjid oo ku yaallay Gobolka Amxaarada ee Dalka Itoobiya.
Taliyaha Ciidanka amniga dowlad deegaanka Cabdicaadil Xasan Cabdi oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Jigjiga ayaa waxaa uu sheegay in banaanbixii saakay ka dhacay Magaalada uu ahaa mid nabad ah oo kusoo dhamaaday si degan.
Sidoo kale Taliye Cabdicaadil ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ka horteegeen dad isku dayay inay gubaan labada Kiniisadood ee ku yaalla Jigjiga, isla markaana ay waxyeelo u geystaan goobaha ganacsiga.
Isaga oo sii hadlaayay Cabdicaadil Xasan Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay dadkaas ay Ciidanka ay u adeegsadeen rasaas ay kor u ridayeen iyo Sunta dadka ka Ilmeysiisa, isagoona xusay in hal ruux uu ku dhintay, halka laba qof kalena dhaawac u soo gaaray.
Si kastana Ugu yaraan saddex masjid ayaa dhawaan waxaa lagu weerraray Gobolka Amxaarada ee Dalka Itoobiya, waxaana Bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacay qulqulatooyin diin lala xiriiriyay.