Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo lagu weeraray hotel ay ku sugnayeen Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka.
Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxii caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo.
“Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen Al-shabaab waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaar dhaca” Ayuu yiri Madaxwene Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Ugu yaraan 6 ruux oo isugu jira shacab iyo Askar ayaa ku geeriyooday qaraxii Caawa ka dhacay Gaalkacyo, halka 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.