Hay’addan ayaa sheegtay in Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay wajahayaan duulaankii ugu weynaa mudd 25 sanno ah oo uga immaanaya Ayax
Ayaxan oo xeen xeen u duulaya ayaa  baabi’iyay dhulbeereed ballaaran oo ku yaala Dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia
FAO waxa ay sheegtay in Ayaxan oo laga cabsi qabo in uu sii kordho illaa hadda uu baabi’iyay dhul beereed baaxaddiisa lagu qiyaasay 70,000 oo Hiktar oo ku yaala Soomaaliya iyo Ethiopia , taas oo khatar ku ah Wax soo saarkii beeraleeyda Soomaalia iyo Ethiopia
Halkii guuto oo ayax ayaa markiiba baabi’ineeysa dalag muddo sanad ah quudin kara 2,500 oo qof taa oo muujineeysa heerka uu gaarsiisan yahay xaalufinta uu ku hayo wax soo saarka Beeraha
Xalka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo Ayaxan ayaa ah in suntan cayayaanak lagu buufiyo iyada oo la’adeegsanayo Diyaarado Helicopters , hayeeshee aysan suura gal aheen in soomaaliya loo soo diro diyaaradaasi maadaama dhibaato amni darro ay ka jirto
Dhanka kale War qoraal ah oo ay hay’addan soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaadi karto ay yihiin kuwo xaddidan oo aan xal buuxa u noqon Karin xaddiga dhibaato ee jira .
Ashagri Mola oo ah Beeraleey ku nool Bariga Magaalada Addisababa ee caasimadda Ethiopia ayaa sheegay in Beer ween oo uu ku lahaa Deegaanka Weldiya uu ayax ka baabi’iyay illaa imminkana uusan wax caawimaad ah ak heli Xukuumadda Ethiopia
Gabagabada warbixinta ayaa lagu sheegay in dhibaatadaasi Ayaxa uu ku hayo Beeraleeyda Soomaaliya ay u badaleen in Ayaxa Duulaanka soo qaaday ay Raashin ka dhigtaan oo ay isaga Cunaan
Mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Cadaado ayaa u sheegay warbaahinta in Ayaxa uu ka dhadhan wanaagsan yahay Kalluunka , halka kuwo kalana hadda ay u cunayaan in dawo uu u noqdo si ay kaga bogsadaan xanuunada dhabarka iyo Cadiidiska Dhiigga
Qaar ka mid ah dadka ayaa dalbanaya in liiska dalabaadka Maqaayadaha lagu daro Cunista Ayax sida lagu tilmaamay Warbixintan.