Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa Wafdigan ka socday dowladda Federaalka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas, iyadoona loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.
Ujeedka Guddoomiye Muudey iyo wafdiga la socday ay u gaareen Baydhabo ayaa waxaa ay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Munaasabadda Sanad Guurada 1-aad ee Madaxweeynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdcasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Sidoo kale inta ay ku sugan yahay Guddoomiye Muudey Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan ka qaato Madaxda Koonfur Galbeed, iyagoona kala wada hadli doona arrimo kala duwan.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Berri ah ay ka dhacdo Munaasabadda Sanad Guurada 1-aad ee kasoo wareegatay markii xilka Koonfur Galbeed loo doortay Cabdicasiis Lafta-gareen