Wararka aan ka heleyno deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu kala qaaday Ciidamo Maleeshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay isku hor-fadhiyay.
Taliska Ciidamada Xoogga dalka qaybta 21-aad ee ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa shaaciyay in Maanta ay ku guuleysteen kala qaadista Ciidamadii Maleeshiyaadka ee ahaa dhawaan ku dagaalamay Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidamada lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdixamiid Maxamed dirir oo ay wehliyaaan Saraakiisha Taliska 21-aad ayaa ku sugan Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa sheegay in Mas’uuliyad amni oo balaaran ay ka qaadanaya howsha nabadeynta deegaandaas.
Dhawaan ayay aheyd markii lagu ku guuleystay soo afjarida dagaal dhiig badan ku daatay oo todobaadkii tagay Beelo walaalo ah ku dhexmaray Gobolka Mudug, kuwaasi oo iska dilay in ka badan 20 ruux, halka tirro intaas kabadana ay dhaawacmeen.