Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku soo dhigaan Waxyaabaha Qarxa kuwaas oo ku diyaarsanaa Meel lagu qariyay.
Taliska Booliska Dhuusamareb ayaa sheegay inay ku raad joogaan ragii waday waxyaabaha qarax, iyagoona tilmaamay in kuwaasi la doonayay in lagu dhibaateyso shacabka.
Taliyaha Booliska Dhuusamareb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle C/lahi Xassan Macallin ayaa waxa uu sheegay in Howlgal Ciidamadu sameeyeen lagu soo qabtay qaraxyadan la doonayey in Dadka lagu dhibaateeyo waxa uuna intaasi sii raaciyey in laga soo helay Meel ka mid ah Xaafada Dayax ee ku taalla halkaas.
Si kastaba Ammaanka Dhuusamareeb ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay, waxaana lagu wadaa dhawaan in ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.