Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo Maanta ah mid xasaasi .
Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddoomiye ku xigeenka Koowad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibaahim Muudey, waxaana Goobjoog ka ah Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha.
Sidoo kale Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ku sugan Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta iyo xubno kale oo ka socda warbaahinta dowladda.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Su’aallo weydiinaya Wasiir Maareeye, kuwaasi oo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaarada Warfaafinta iyo mida warbaahinta dowladda.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Eedeyn u jeediyay warbaahinta dowladda.