Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ku hawlan daminta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Miyiga gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedka.
Taliyaha Ciidamada Dhulka S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo looga arinsanayo sidii loo joojin lahaa  colaada waxay la qateen Waxgaradka, waxayna ku guuleeysteen in ay kala qaboojiyaan beelahaas dagaalamay,iyaga oo sheegay in ay soo gaba gabeeyn doonaan colaada u dhexeysa beelaha inta ay joogaan gobolka Mudug
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maleeshiyo beeleedyo ay ku dagaalameen deegaano hoostaga deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashay dagaaladaasi Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo  soo kala gaaray maleeshiyaadkii Xoola dhaqatada ahaa ee halkaas ku dagaalamay.