Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay fiiqkii weerar ku qaaday Hotelka SYL ee ku yaalla kasoo horjeedka Xarunta Madaxtooyada, waxaana weerar ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerarkii lagu qaaday Hotel SYL oo 5 kamid ah yihiin ragii weerarka soo qaaday, halka 2 askari iyo 9 ruux oo shacab ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Qaran oo lagu magacaabui jiray Maxamuud Ismaaciil Warsame Muuf, kaasi oo kamid ahaa Askartii ugu horeeyay ee weerarka markii uu bilowday galay hotelka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Maxamuud Muuf uu lasoo shaqeeyay Ra’iisul wasaarayaal badan oo dalka marka soo maray, isagoona haatan ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xarunta Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofi Casta.
Sidoo kale weerark ayaa waxaa ku geeriyooday Askar kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda iyo saddex ruux oo shacab ah, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.
Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa Ciidanka dowladda ay gudaha Hotelka SYL kasoo badbaadiyeen in ka badan 80 qof oo ku jiray gudaha hotelka, kuwaasi oo laga sheegay in laga bixiyay dhinaca xigta Beerta Nabadda.