Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahiyay weerarkii xalay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL ee ku yaalla kasoo horjeedka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo socday 7-saacadood oo xiriir ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka amniga xalay saqdii dhexe ay soo afjareen weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL,waxaana weerarka fuliyay 5 ruux oo ku hubeysanaa Bambooyin iyo Bastoolado, waxaana toogasho ku dilay Ciidanka amniga dowladda.
Sidoo kale Taliska Booliska ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa hotelka.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerarkii lagu qaaday Hotel SYL oo 5 kamid ah yihiin ragii weerarka soo qaaday, halka laba ay yihiin Askar ka tirsan Ciidanka dowladda, waxaana 3 kalena ay ahaayeen dad shacab ah.
Waxaa kaloo weeraraka ku dhaawacmay laba Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda iyo 9 ruux oo shacab ah, waxaana inta uu socday howlgal Ciidanka dowladda ay gudaha Hotelka SYL kasoo badbaadiyeen in ka badan 80 qof oo ku jiray.