Ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo Gaba-gabeeyay weerar dhowr saacadood qaatay oo xalay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho
Weerarka ayaa waxaa soo qaaday 5 ruux oo ka tirsan oo ku hubeysnaa Bambooyin iyo Bastoolado, kuwaaso oo gudaha hotelka dagaal adeg kula galay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, Ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee NISA.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Ismaan Mukhtaar Oranje ayaa sheegay in Ciidanka amniga ay toogteen dhammaan ragii weerarka fuliyay, isla markaana lasoo afjaray.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkii xalay ee Hotel SYL oo soo gaaray Askar iyo dad shacab ah oo xiligaas ku sugnaa halkaas.
Ugu yaraan 10 ayaa ku geeriyootay weerarkii lagu qaaday Hotel SYL oo 5 kamid ah yihiin ragii weerarka soo qaaday, halka 5 kalena ay ka tirsanaayeen Ciidanka amniga ee howlgalka waday, waxaana ku dhaawacmay 2 ruux oo shacab ah oo ku sugnaa hotelka.
Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa Ciidanka dowladda ay gudaha Hotelka SYL kasoo badbaadiyeen in ka badan 80 qof oo ku jiray gudaha hotelka, kuwaasi oo laga sheegay in laga bixiyay dhinaca xigta Beerta Nabadda.
War qoraal ah oo lagu daabacay Baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka SYL, iyagoona sheegay inay iska caabiyeen dhowr weerar oo kaga yimid dhanka Ciidanka dowladda.