Ciidamadda Nabadsugida degmadda Afgooye ayaa howlgalo ay ka sameeyeen xaafado katirsan degamadda Afgooye waxaa ay kusoo qabteen Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo dad isticmaalayay.
Markii uu howlgalka soo idlaaday ayaa warbaahinta waxaa loo soo bandhigay  Rag iyo Haweeney oo la sheegay in Waxyaabaha Maanka dooriya ay isticmaalayeen.
Saraakiisha ayaa sheegay in Wali ay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Dadka isticmaala ama ka ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.