Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray Taliyaha Ciidamada lugta ee Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Dirir iyo wafdi Ciidamo ah oo uu hogaaminayo.
Taliyaha dhulka iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo Mas’uuliyiin kale.
Ujeedka Gaalkacyo u tegay Taliyaha Ciidanka lugta Gen. Cabdiraxmaan ayaa waxaa ay tahay sidii uu qayb uga noqdo lahaa da’daalada lagu joojinay, dagaalkii ka dhacay deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo, kaasi oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Dhinaca kale Gaalkacyo ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo ka socda Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka oo uu hogaaminayo Gen: C/Casiis C/Laahi “Qooje”, kuwaasi oo kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamadan oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa kala dhex geli doona maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo, isla markaana kala qaadi doona Ciidanka labada dhinac ee weli is hor-fadhiya.
Si kastaba dagaalkii ka dhacay deegaano Mudug ayaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalkaas ku geeriyootay in badan 20 ruux, halka tirro intaas kabana ay ku dhaawacmeen.