Wasiirka deegaanka maamulka Somaliland marwo Shukri Ismaaciil Baanddare ayaa ka hadashay roobabka dabaylaha iyo duufaanada wata ee la saadaaliyay in ay ku dhufanayaan deegaanada xeebta ah ee Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay in maalmahaan ay la socdeen wararka sheegaya in ay jirto saadaalintaa ku aaddan Puntland ilaa Somaliland in ay ku dhufan karto duufaantaas haseรขโฌโขahaatee ay muujiyeen diyaar garoow aad u balaran isla markaana ay feejignaan ku jiraan.
Wasiirka deegaanka maamulka Somaliland marwo Shukri Ismaaciil Baanddare ayaa sheegtay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo duufaan ay ku dhufato deegaanada Somaliland haseรขโฌโขahate ay soo martay duufaantii Saqar aadna ay ula tacaaleen waxyeeladi ka dhalatay.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegtay in dadka deegaanka ay ku wargeliyeen in ay iska guuraan dhulka Xeebta ah ee saadaalinta laga bixiyay taas oo qeyb ka ah diyar garoowga Somaliland sida ay hadalka u dhigtay.
Halkaan Ka Dhageyso