Kadib markii shalay uu ka dhacay dagaal geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac deegaanada kala ah Af-barwaaqo iyo Towfiiq ayaa saakay waxaa la shegayaa in xaaladu ay degantahay.
Ilo deegaanka ah ayaa dalsan u xaqiijiyay in saakay xaaladu ay tahay mid aad u degan isla markaana aysan jirin wax xiisad ah oo laga dareemayo deegaanadaa ay ku dagaal;amen labada Maleshiye Beeleed.
Dhinaca kalana waxaa isi soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyada halkaas ay dagaaladu ku dhex mareen,ku dhawaad 15 ruux oo labada dhinac ah ayaa shalay ku dhimatay dagaaladii dhacay iyada oo dhaawacuna uu intaas kasii badnaa.
Dadkii ku dhaawacmay dagaaladaas waxaa la sheegay in loo qaaday magaalada Gaalkacyo si loogu soo dabiibo maadaama dhawacyada qaarkood ay aad u darnaayeen deegaanadaasna aan laga heli Karin Isbitaalo kaafin kara daweynta dhaawacyada.