Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana tirsanaa Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka hadlay xubinnimadii laga saaray Xisbiga Himilo Qaran.
Xildhibaan Cabdixakiin oo War qoraal ah kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa uu sheegay in uu isaga Go’aan ku gaaray inuu ka tago Xisbiga Himilo Qaran uuna soo dhaweynayo aqbalaada Xisbiga oo uu ka ahaa Xoghaaye.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in xubnaha Xisbiga ay isku aragti ka noqon waayeen arrimaha ka jira deegaanada Galmudug gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa kaloo uu xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran uu ku eedeeyay in deegaanada Galmudug ay ka abuurayan colaad, isagoona arrintaas ku tilmaamay fowdo looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aysan deegaanka dan ugu jirin.
“Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin “ ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiin Macalin.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdixakiin Macalin ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ay isku aragti ka noqdeen arrimo ku aadan dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan dowladda ay ku howlan tahay sidii ay u dhisi laheyd Galmudug Cusub oo loo dhan yahay.