Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Magacaabay Duqa Cusub ee Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Wareegto kasoo baxsaday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa Duqa Buulo-burte loogu Magacaabay inuu noqdo Maxamed Sheekh Sharaawe Fiidow, kaasi oo bedelaya Duqii hore ee degmadaas.
Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa Maamulka Buulo-burte iyo shacabka degmadaas lagu faray inay la shaqeeyaan Maxamed Sheekh Sharaawe si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.
Hoos ka Akhriso Warqada Magacaabista.