Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa kulan ku yeeshay Gddiga Fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed.
Kulanka Guddiga Xisbiga ayaa intsii socday waxaa xubinnimadii Xisbiga laga joojiyay Xildhibaan Cabdikariin Macalin Axmed oo ahaa Xoghayahii Guud ee Himilo Qaran.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in xeer u yaalla Xisbiga looga saray xubinnimadii Xildhibaan Cabdikariin Macalin oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Sababta ugu weyn ee xubinnimada xisbiga Himilo Qaran looga saaay Xildhibaan Cabdikariin ayaa waxaa ay tahay, kadib markii dhawaan uu beeniyay in Magaalada Dhuusamareeb la geeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.
Sidoo kale Xildhibaankaas ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Xisbiyada Mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.