War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Generaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Soomaaliya lagu dilay Xaafad ka tirsan Muqdisho.
Dad gobjoogayaal ah oo la hdlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in dilkaan uu ka dhacay Warshada caanaha ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa Generaalka u geystay rag ku hubeysnaa Bastoolado.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray General Yuusuf Ali Qasaay oo loo yaqaanay Yuusuf Cagey, kaasi oo ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Kooxihii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa halkaas Meydka kasoo qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciianka dowladda oo ku aadan Dilka Goordhaweyd loo geystay General Yuusuf Ali Qasaay