Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay mar kale kulan wadajir ah ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee dalka ayaa waxaa xalay lagu wargeliyay jiritaanka kulan wadajir ah, kaasi oo furmi doona saacadaha soo socda.
Ajendaha Kulanka ayaa waxaa uu yahay Meelmarinta Habraaca Ansaxinta Dib-U-Eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Ajendahaas dood ka yeelan doona.
Sidoo kale kulankan Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inay si wadajir ah u Shir Guddoomiyaan Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka kulankii ugu horeeyay oo wadajir ah yeeshay 20-kii Bishan November, iyagoona Akhrinta 1aad marsiiyay Miisaaniyadda dowladda Federaalka ay ku shaqeyn doonto Sanadka Cusub ee 2020-ka.