Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa Maanta oo Isniin waxaa kulan Deg-deg ah ku yeeshay Guddiga Joogtada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Kulankan ayaa intii uu socday ayaa waxaa lagu Go’aamiyay in dib loo dhigo furitaanka kal-fadhiga 7-aad Baarlamaanka Hirshabeelle oo Maanta lagu waday inuu furmo, maadaama uu socdo gurmadka fatahaada Webiga Shabeelle.
Guddiga Joogtada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Go’aan ku gaaray in dib loo dhigo furitaanka Baarlamanka muddo 10-maalmood ah, wuxuuna furmi doonaa 7-da Bisha soo socota ee November ee sanadkan.
Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa uu isla gartay in Xildhibaanada ay ka wada qeyb qaatan  gurmadka loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne ee uu saameeyay Fatahaada Webiga Shabeelle.
Waa markii labaad ee dib loo dhigayo furitaanka kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, marka koowaad ayaa waxaa shaaciyay inuu furmayo 23-ka Bishan Octoober, hayeeshee dib dhinac ayaa ku yimid, waxaana lagu dhawaaqay inuu furmo Maanta Kal-fadhiga, hayeeshee dib ayaa loo dhigay ilaa muddo 10-maalmood ah.